Xildhibaan Ciyaar Jecel Oo Codsaday In La Badalo Xukuumadda Khayre Hogaamiyo.

0

Xildhibaan Cabdi Shire (Ciyaar Jecel) ayaa xil gudasho la’aan ku eedeeyay Xukuumadda, isagoo si kulul uga hadlay Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Cabdi Shire ayaa Tix Gabay oo qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook, isagoo soo jeediyay in la bedelo Xukuumadda, xabsi la dhigo kuwii mas’uuliyaddii Amniga gabay.

Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 10 ruux oo ay ku jireen Guddoomiyeyaal degmo iyo Agaasimayaal, halka 10 kale oo uu ku jiro Guddoomiye Yariisow ay ku dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda Hey’addaha Ammaanka ayaa soo bandhigin baaritaanka ku aadan qaraxaas, iyadoo su’aalo badan ay jireen iyo fashil amni, maadaama xarunta qaraxa uu ka dhacay ay aheyd meel amnigeeda aad loo ilaaliyo.

Halkan hoose ka akhriso tixda Gabay ee Xildhibaanka:-

Haddii gobolkii la galay
Gudoomiyeyaal ay go’een
Yariisow garaabo yahay
Xilkiinii aad gabteen
Haddana guul sheegataan
Gaf iyo waa meel ka dhece
Gadood shacab intuusan iman
Fillada aan leydin ku galin
Garoowshiiyo muujiyoo
Golaha xukuumadda bedela
Xil gudasha la’aan darteed
Gaalshire waa in loo diraa
Kuwii amnigeena gabay ..”
Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaarjecel

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.