Dad loo xiray qaraxi xarunta G/Banaadir.

0

HornAfrik– Waxaa isa soo taraya baarista lagu hayo iyo dadka loo xirayo arbacadi gelinkii danbe ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Waxaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kulan uu la qaatay saraakiisha hey’adaha amniga uu kaga dhageysatay halka ay u marayaan baaritaanada iyo dadka ilaa hadda loo xiday sida uu sheegay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa sheegaya in kiiska oo wali baaristiisu socto loo xiray shaqsiyaad dhowr ah.

Dadka la xiray waxaa lagu tuhmayaa in ay qaraxa wax ka ogaayeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.