Sawirro: Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya oo ka soo muuqday Muuqaal cusub

0

Hoggaamiyaha Kooxda Daacish ee Soomaaliya C/qaadir Muumin ayaa ka soo muuqday muuqaal cusub oo Kooxda soo bandhigtay oo ay ku wehliyeen tiro ka mid ah dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan Buuraleyda Galgala.

C/qaadir Muumin ayaa dhowr jeer oo hore la sheegay inuu ka badbaaday duqeymo bilo ka hor ka dhacay dhulka buuraleyda ah, hase ahaatee waxaa lagu dilay kuxigeenkiisa.

Wadaadkan da’da ah ayaa warar kala duwan ay ka soo baxayeen xaaladiisa caafimaad io la sheegayay inuu xanuunsanaa, balse muuqaalkan cusub ayaa ahaa mid jawaab u ah hadal heynta jirtay.

Muuqaalkan cusub ayuu mar kale C/qaadir Muumin ugu muujiyay balanqaad cusub Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmeysay cadaadis uga imaanayay Al-Shabaab iyo duqeymaha cirka ee Mareykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.