Akhriso:-Jadwalka Guud Ee Doorashada Jubbaland Oo La Soo Saaray

0

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Guud ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha mamulka Jubbaland.

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay in Diiwan galinta musharaxiinta Madaxweynaha ay bilaaban doonto 16-ka Bishan July 2019,iyadoona ku eg 22-ka Bisha.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Diiwan galinta musharaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ay bilaaban doonto 14-ka Bisha soo socda ee Agoosto,kuna egtahay 15-ka bishaas.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ay dhici doonta 18-ka Agoosto.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ay dhici doonto inta u dhexeysa 24-30 bisha Agoosto.

 Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.