Madaxweyne Xaaf Oo Sanad Kadib Soo Gaaray Muqdisho Lana Kulmay MW Farmaajo

0

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa muddo sanad kadib soo gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xaaf ayaa markii uu soo gaaray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee  Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Intaasi kadib Madaxweynaha Galmudug oo si kooban ula hadlay Warbaahinta ayaa Madaxda dowladda Federaalka uga mahadceliyay soo dhaweeynta wanaagsan ay u sameeyeen.

Ujeedka uu Magaalada Muqdisho u yimid ayuu ku sheegay Madaxweyne Xaaf inay tahay sidii uu kula kulmi lahaa Madaxda Sare dalka,isla markaana loo xalin lahaa Khilaaf mudooyinkii dambe ka dhex jiray isaga iyo Madaxda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana kulan ka qeyb galay xubno ka tirsan Madaxtooyadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.