Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi oo kulmay

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ku kulmay soohdinta sida wayn uga caaggan hubka ee u dhexaysa Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed halkaas oo ay si diirran isugu gacan qaadeen.

Mr Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee xil haya ee cagta dhiga Kuuriya Waqooyi kaddib markii uu Kim kula kulmay soohdinta hubka ka caaggan ee u dhexaysa labada Kuuriya.

Kulankan aan horay loo sii qorshayn ee ka dhacaya soohdinta hubka ka caaggan ayaa imaanaya kaddib markii Mr Trump uu bartiisa twitter-ka ku sheegay in uu halkaas ku marti qaaday Mr Kim.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in is gacan qaad kaasi uu “nabad” horseedi doono.

Kulankan ayaa noqonaya kii saddexaad ee sanad gudihiis dhex maraya Mr Trump iyo Mr Kim, kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan oo bishii February ka dhacay dalka Vietnam ayaa fashil ku dhammaaday.

Mar ay ka falcelinaysay dalabkii Trump ee Sabtidii, ayaa Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in dalabkaasi yahay mid aad u xiiso badan.

Booqashada ayaa waxaa Mr Trump ku weheliya madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in. kulanka Trump iyo Kim ayaa la filayaa in uu ka dhaco soohdintaas hubka ka caaggan, halkaas oo lagu qabto dhammaan wadaxaajoodyada u dhexeeya Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.