Booliska Soomaaliya oo sheegay iney Muqdisho ku dileen nin Shabaab ah.

0

Ciidamada Booliska Degmada Boondheere ayaa caawa 7:15 Daqiiqo waxa ay toogteen ruux la sheegay inuu ka tirsan yahay Shabaab, kaasi oo Bistoolad ku hubaysnaa.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomalaiya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed  ayaa sheegtay ruuxa la toogtay inuu doonaayay inuu dilo Askari ka tirsan Ciidamada Booliska, balse isagii la dilay.

Israsaaseynta dad shacab ah waxba kuma soo gaarin, marka laga reebo ruuxaasi hubaysan ee Ciidanka ay dileen, waxaa sidaas sheegtay Zakiya.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay adkeeyay amaanka Caasimada, iyagoo wadooyin dheeraad ah dhigay askarta, si au u feejignaadaan, isla mar ahanataasina ay uga hortagaan falalka amni daro.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.