Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka, mas’uuliyiin ka tirsan dowla goboleedka Galmudug gaar ahaan garabkiisa Ahlu Sunna iyo dadweyne.

Booqashada Khayre ku tegay Dhuusamareeb ayaa ku soo beegmaysa kadib markii uu isga tegey magaalada Dhuusamareeb Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geel Xaaf isla markaana ay Wasaarada Arrimaha Gudaha soo saartay warsaxaafadeed lagu sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb 4ta bisha July ee sanadkan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.