Hoggaamiyihii ka dambeeyay isku dayga afgembiga Ethiopia oo toogasho lagu diley

0

Hoggaamiyihii afgambigii dalka Ethiopia General Asamnew Tsige ayaa ciidamada Booliska Ethiopia ay toogasho ku dileen isagoo ku sugnaa meel aan ka dheereyn goobtii uu weerarka ka dhacay.

General Tsige ayaa la aaminsan yahay inuu lahaa maskaxdii ka dambeysayy afgambigii dhicisoobay oo lagu diley Madaxweynihii Maamulka Amxaarada iyo madaxii ciidammada Itoobiya.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xirnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda.

Guud ahaan ammaanka dalka Ethiopia ayaa la adkeeyay iyadoo la jaray internetkii waxaana ka socda dalka Ethiopia shirar ay ku jiraan madaxda maamulada Ethiopia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.