Dil caawa ka dhacay Gaalkacyo oo 9 qof loogu aarguday isla caawa

0

Dabley Hubeysan ayaa Caawa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug.

Dilka oo ka dhacay Gaalkacyo dhanka Galmudug waxaa geystay dabley ku hubeysan bastoolado islamarkaana rasaas la dhacay xilli uu marxuunku fadhiyay goob lagu shaaho.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Cali Dhiif ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Nabad suggida Galmudug.

Xoogaa kadib dilka Taliyaha ayaa waxaa meel aan sidaas uga fogeyn meesha uu dilka ka dhacay lagu dilay 9 qof oo la sheegay in loogu aargudayey taliyihii la dilay.

Wararka qaar ayaa sheegayo in dadka la dilay ay ahaayeen dad kasoo jeedo hal beel, oo ah Digil iyo Mirifle, marka laga reebo labo qof oo Dadka Deegaanka ah, kuwaasoo isku dayay inay ka hor istaageen Maleeshiyaadka in la dilo Dadkaasi.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdkariim Xuseen Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in dadka la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxayna arrintaan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.