Cilladaha Sharci ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen 2/5/2019

0

 

  • Gogoldhig

Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka 2/5/2019, waxaana loo gudbin doonaa labada aqal ee uu ka kooban yahay Barlamaanka Federalka Soomaaliya  oo ay ubanaantahay in ay sidiisa ku  anxiyaan, wax-ka-badalaan ama ay Golaha Wasiirada ku soo celiyaan.

Waxaa muuqata in  curinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka  uu ku soo beegmay xilli aad loogu baahan yahay sababtoo ah waa sharcigii lagu hagi lahaa  Doorashooyinka qaranka ee nagu soo fool leh 2021, haddii si kale loo dhaho, sharciga doorashooyinku wuxuu ka mid yahay shuruucda mudnaanta leh ee laga sugaayay in ay xukumaddu curiso laba aqalna meel-mariyaan si loogu nidaamiyo looguna  hago Doorashooyinka Qaranka ee 2021.

Haddaba qormadaan kooban waxay ka jawaabaysaa dhowr  su’aalood oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

  • Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka ee Golaha Wasiiradu ansixiyeen ma waafaqsan yahay Dastuurka Federaalka ee sida KMG loo ansixiyay ?
  • Waa maxay cilladaha ugu waawayn ee hindise-sharciyeedku leeyahay?
  • Hindise-sharciyeedkaan ma leeyahay tayadii sharci ee loo baahnaa?\

 

 

 

Daraasaddaam  waxay ka koobantahay qaybaha soo socda:

  • Sooyaalka taariikheed ee shuruucda Doorashooyinka Soomaaliya .
  • Shuruucda xiriirka la leh  hindise-sharciyeedka Doorashooyinka qaranka.
  • Ilaa intee ayuu hindise-sharciyeedku waafaqsan yahay Dastuurka KMG JFS.
  • Hindise-sharciyeedku ma leeyahay tayadii sharci ee  loo baahnaa.
  • Gaba-gabo

 

Haddii alle idmo Waxaan isku dayi donna in aan si kooban u dul istaagnno qayb walba oo ka mid ah qaybahaan aan soo sheegnay.

 

  • Sooyaalka taariikheed ee shuruucda Doorashooyinka Qaranka

Ugu horreyntii waxaa mudan in la tilmaamo in dastuurkii 1960 oo ahaa Dastuurkii ugu horreyay ee Soomaaliya yeelato xuriyadii kadib uu yahay  isha 1aad ama sharcigii ugu horreeyay ee nidaaminaayo arrimo la xiriira Doorashooyinka  xuriyaddi kadib, tusaale waxaan u soo qaada karnaa qoddobada kala ah 8, 12, 52, 70  ee Dastuurkii  1960, oo dhammaantood siyaabo kala duwan ugu  ka hadlaayo doorasho.[1]

Qoddobadaan dastuuriga ah ayaa saldhig u ahaa dhammaan shuruucda Doorashooyinka la xiriita ee Soomaaliya laga sameeyay.

 

 

 

Marka aan ka soo tagno qoddobada ku jira Dastuurka ee aan soo tilmaannay lana xiriira arrimaha Doorashooyinka , waxaan dhihi karnaa Soomaaliya markii ay Xuriyadda qaadatay kadib, waxay samaysay shuruuc kala duwan ee  doorashada gaar u ah , haddii ay ahaan lahayd Doorashooyinka siyaasadda sida kuwa madaxwaynaha  iyo Barlamaan ama Doorashooyinka dowladaha hoose.

Sharcigii ugu horreyay ee doorasho gaar u ah ee Soomaaliya yeelato   wuxuu  ahaa sharci Lr.19 ee 14 August 1963, oo ka hadlaayay Doorashooyinka Dowladaha Hoose  ( local councils election)[2]

Sharcigii labaad ee Soomaaliya yeelato kuna saabsan doorashooyin  isna wuxuu soobaxay hal sano kadib wuxuuna ku saabsanaa Doorashooyinka siyaasadda oo loo la jeedo Doorashooyinka xubnaha Barlamaanka iyo Doorashooyinka Madaxwaynaha.[3] Kadibna labadaan sharci waxaa waxkabadal lagu sameyay 1968, laguna mideeyay hal sharci oo lagu magacaabo Sharciga Doorashooyinka siyaasadda iyo dowladaha hoose ee Sharci Lr13 ee June 1968.[4]

Shuruucdaan gaarka ah ee aan soo tilmaanay waa shuruucdii ugu horreysay ee la xiriirta Doorashooyinka ee Soomaaliya yeelato  xuriyyadii kadib, shuruucdaan waxay ku saabsaneed laba nooc oo doorasho oo kala ah:

B- Doorashooyinka Dowlada Hoose

T- Doorashooyinka Siyaasadda.[5]

  • Shuruucda xiriirka la leh Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka

Waxaa jirto shuruuc kala duwan oo xiir toos ah la leh sharciga Doorashooyinka oo ay lama huraantahay in marka la sameynaayo hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka isha lagu haayo si aan ugu yaraan loo soo saarin shuruuc is khilaafsan, shuruucdaas waxaa ugu muhimsan kuwan hoos ku xusan;

  • Dastuurka Federaalka KMG

Dastuurku waa sharciga ugu muhimsan ee hadda jira ee nidaaminaayo arrimaha Doorashooyinka , cutubka 4aad ee Dastuukua ee ka hadlaayo matalaadda shacabka gaar ahaan qaybtiisa labaad ayaa  si guud uga hadlaysa  arrimaha la xiriira Doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadda, sidoo kale qodobka 22aad ee isla Dastuurku wuxuu ka hadlayaa xaqa ka qaybgalka siyaasadda, waxaa kale oo jiro qoddobo kale oo dastuuri ah oo iyana la xiriira Doorashooyinka sida qodobka 58aad ee ku saabsan Doorashooyinka xubnaha Barlamaanka, iyo qoddobka 89aad ee isna ka hadlaaya Doorashada Madaxwaynaha.

Maadaama uu Dastuurku ka hadlaayo mabaadi’ guud oo la xiriirta Doorashooyinka sharci kasta oo la xiriira doorasho waa in uusan khilaafin Dastuurka maadaama aan  ogosoonnahay in  dastuurku uu yahay sharciga ugu sarreeya ee dalka isla markaana uusan jiri Karin  sharci khilaafi kara sida uu jiddeynaayo qodobka 4aad ee Dastuurku.[6]

  • Sharciga Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

 

Sharciga Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Sharci Lr.4 ee 02/04/2015, waa sharci muhiim ah oo nidaaminaayo shaqada iyo waajibaadka Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan ee Qaranka, arrimaha ugu muhimsan ee sharcigaan uu si fiican u qeexaayo waxaa ka mid ah xilalka iyo waajibaadka guddiga, sidaa awgeed hindise-sharciyeedka Doorashooyinka qaranku waa in uusan khilaafsanen sharcigaan sidoo kalana waa in uusan ku soo celcelin arrimo hore si fiican loogu nidaamiyey sharcigaan.[7]

 

  • Sharciga axsaabta siyaasadda

Sharciga Axsaabta Siyaasadda ee sharci Lr.19/ee 27/06/2016, wuxuu ka mid yahay shuruucda muhiimka ah ee la xiriirta siyaasadda  si gaar ahna saameyn ugu leh arrimaha Doorashooyinka, sharcigaan wuxuu si gaar ah u nidaaminayaa dhowr arrimood oo xiriir la leh Doorashooyinka sida:

B- Xaqa ka qay-galka siyaasadda

T- Diiwaangelinta Axsaabta Siyaasadda

J- Hannaanka Xulidda Murashaxa  Xisbiga uga qayb-galaayo tartanka doorashada .

 

Sidaa darteed sharci kasta oo nidaaminaayo arrimaha la xiriira kuwa lagu nidaamiyay sharciga Axsaabta Siyaasadda waa in uusan khilaafin nuxurka qoddobada sharciga Asxaabta Siyaasadda.[8]

Shuruucdaan waa shuruucda ugu muhimsan ee la xiriira arrimaha la doonnaayo in lagu nidaamiyo Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, waxaana lama huraan ah in maanka lagu haayo marka la qoraayo Sharciga Doorashooyinka Qaranka laba arrimood oo kala ah:

  • In isha lagu haayo shuruucdaan si aan loo soo saarin shruuc iska hor-imaanaysa.
  • In aan mar labaad lagu soo celin arrimo ay shuruucdaan si wanaagsan u nidaamiyeen.

 

  • Hindise-sharciyeedkaan ma waafaqsan yahay Dastuurka Federallka ee sida KMG ah loo ansixiyay?

Ugu  horrayntii waxaan isku dayi donna in aan si kooban uga jawaabo su’aashaan ah hindise-sharciyeedkaan ma waafaqsan yahay Dastuurka Federallka ee sida KMG ah loo ansixiyay?

Sida muuqata hindise -sharciyeedkaan waxaa ku jira qodobo kala gedisan oo qaarkood ay Dastuurka si toos ah ugu horimaanayaan sida qodobka 12aad ee hindise sharciyeedkaan oo si toos ah ugu hor imaanaaya qodobka 89aad ee Dastuurka.
Haddii aan si kooban u sharaxnno arrintaan, labada qodob qodobka 89aad ee Dastuurka iyo qodobka 12aad ee hindise sharciyeedka labaduba waxay ka hadlayaan doorashada madaxwaynaha, qodobka dastuuriga ah wuxuu leeyahay madaxwaynaha waxaa dooranaaya labada gole ee barlamaanka Federaalka soomaaliya , halka qodobka 12aad ee hindise sharciyeedku uu leeyahay,waxaa madaxwayne noqonaaya murashaxa madaxwayne ee xisbigii hela kuraasta aqlabiyadda barlamaanka, sidoo kale qodobka 89aad ee dastuurku wuxuu faah-faahinayaa hannaanka doorashada madaxwaynahaa sida codadka loo baahan yahay iyo wareegyada doorashada, sidaa si ka duwan ayaa qodobka 12aad ee hindise-sharciyeedku u faah-faahinayaa sida laga leeyaalo haddii la waayo xisbi ku guuleysta aqlabiyadda barlamaanka.
Halkaas waxaa nooga muuqanaaya in qodobka 12aad ee hindise -sharciyeedka doorashooyinka uu si toos ah u khilaafsan yahay qodobka 89aad ee Dastuurka.
Inta aanan qodobkaan ka bixin waxaa is waydiin mudan ma jiraa caalamka madaxwayne laga soo doorto hannaanka uu tilmaamayo qodobka 12aad ee hindise sharciyeedka? Waxaa muuqato in doorashadii madaxwaynaha lagu qalday hannaanka uu ku yimaado wasiirka 1aad ee wadamada ku dhaqmo nimaadka barlamaaniga ah.

Sidoo kale hindise- sharciyeedka wuxuu si dadban u khilaafsan yahay qodobka 72aad ee Dastuurka waayo wuxuu xusayaa in nimaadka qaybinta kuraasta aqalka sare lagu soo saari doono xeer gaar ah, waxaa muuqato in hindise-sharciyeedku uu khilaafay qodobka oo ka hadlaayo tirade iyo hannaanka qaybinta kuraasta aqalka sare, sidoo kalna uu meel cad saari waayay qaybinta kuraasta aqalka sare arrintaas oo keentay in uu u xawilo sharci gaar oo kale.[9]

 

  • Hindise-sharciyeedku ma leeyahay tayadii sharci ee  loo baahnaa?

Ka sokow cillada aan  soo tilmaannay ee ah in hindise-sharciyeedku uusan waafaqsanayn Dastuurka waxaa is waydiin mudan Su’aasha ah hindise-sharciyeedku  ma leeyahay tayadii sharci ee  loo baahnaa , marka aan si fiican u eegno nuxurka hindise -sharciyeedkaan waxaan dhihi karnaa malaha tayadii looga baahnaa sharci muhiim ah sida sharciga doorashooyinka qaranka oo kale sababaha soo socdo awgood:
Qodobka 4aad ee hindise-sharciyeedkaan waxaa lagu sheegay in ujeeddoyinka sharcigaan ay ka midyihiin in la caddeeyo awoodaha iyo waajibaadka guddiga doorashooyinka qaranka, annaga oo og in waajibaadka iyo awoodaha guddiga lagu faah-faahiyay sharci NO: 4 ee 2/04/2015, ee ku saabsan dhismaha guddiga madaxabanana ee doorashooyinka qaranka.
Sidoo kale qodobada 6aad, 7aad, 8aad , 9aad iyo 10aad ee hindise sharciyeedkaan waa isla qodobada 7aad, 14aad iyo 17aad ee NO: 4 ee 2/04/2015, ee ku saabsan dhismaha guddiga madaxabanana ee doorashooyinka qaranka.Labadaan arrimood waxay muujinayaan in sharcigaan qodoba badan oo ka mid ah ay yihiin isla qoddobadii sharci NO: 4 ee 2/04/2015, oo marlabaad lagu soo celiyay.
Sharcigaan ma nimaaminaayo arrimo ay ka midyihiin, qaabka diiwaan gelinta ciidamada qalabka sida ee joogo furumaha, dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo ergooyinka dibloomasiyadeed ee ka shaqeeya safaaraha iyo qunsuliyadaha aan ku leennahay dalka dibadiisa iyo qaabka ay u coddaynaayaan .
Qodobka 53aad ee ku saabsan dacwadaha la xiriira natiijada doorashooyinka, ma cadda in ay kala duwan yihiin iyo inkale dacwadaha laxiriira murannada ka dhasha doorashooyinka xubnaha laba aqal iyo murannada ka dhasha doorashada madaxwaynaha.[10]

 

  • Gaba-gabo

Daraasadaan  waxay iftiiminaysaa cilladaha ugu muhimsan ee uu leeyahay Hindise-sharciyeedka doorashooyinka qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada federallka Soomaaliya, cilladahaas oo ay ka mid yihiin in uusan waafaqsanayn Dastuurka FKMG, iyo sidoo kale in qodobadiisa inta badan ay yihiin shuruuc horay u jirtay oo sideedii loo qoray.

Daraasaddu waxay soo jeedinaynaa arrimahaan hoos ku xusan:

B- in laga saaro qoddobada ha soo horjeedda Dastuurka

T- in laga saaro  arrimaha lagu Nimaadiyay shruucda kale,

J- in hindise-sharciyeedka la geliyo latasho dadwayne ( public consultation) maamaadu uu yahay sharci Muhiim ah

X- in laba aqal ee Barlamaanku ay si wanaagsan u geliyaan dadaal xoogan sixidda cilladaha hindise-sharciyeedka.

Ugu dambayntii waxaan Rajaynayaa in qormadaan ay wax ka tari doonto cilladaha hindise-sharciyeedku  leeyahay lana sixi doono.

Tixraacyada  Daraasadda :

Tixraacyada ugu muhimsan ee qormadaan waa kuwan hoos ku qoran:

  1. Dastuurka Federalka KMG ee 1/8/2012
  2. Dastuurka Soomaaliya ee 1960
  3. Sharci NO: 19 ee 14 August 1963,kuna saabsan doorashooyinka dowladaha hoose
  4. Sharci No:4 ee 22 janaayo 1964, eek u saabsan Doorashooyinka siyaasadda
  5. Sharciga Doorashooyinka siyaasadda iyo dowladaha hoose ee Sharci Lr13 ee June 1968.
  6. Sharciga Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Sharci Lr.4 ee 02/04/2015
  7. Sharciga Axsaabta Siyaasadda ee sharci Lr.19/ee 27/06/2016
  8. Ibraahim Hashi Jama: Somaliland Electoral laws
  9. http://www.somalilandlaw.com/electoral_laws.html

[1]  Qodobka 8aad wuxuu ku saabsan yahay xaqa muwaadinku u leeyahay in uu codeeyo, 12 wuxuu ku saabsan yahay xaqa ka qaybgalka siyaasadda, 52 wuxuu ku saabsan yahay doorashada xubnaha barlamaanka halka qodobka 70aad uu ku saabsan yahay doorashada madaxwaynaha.

[2] Fiiri sharci NO: 19 ee 14 August 1963,kuna saabsan doorashooyinka dowladaha hoose

[3] Fiiri Sharci No:4 ee 22 janaayo 1964.

[4] Ibraahim Hashi Jama: Somaliland Electoral laws, PG;25

[5] http://www.somalilandlaw.com/electoral_laws.html

[6] Fiiri qoddobada 22aad, 43aad, 58aad , 89aad iyo 4aad ee Dastuurka sida KMG loom ansixiyay Augusto 1/ 2012

[7] Qoddobka 14aad ee Sharcigaan ayaa si qoto dheer u sheegaaya waajibaadka iyo awoodaha guddiga.

[8] sharci Lr.19/ee 27/06/2016, ee la xiriira axsaabta siyaasadda.

[9] Fiiri qoddobada 89aad iyo 72aad ee Dastuurka FKMG  iyo qoddobka 12aad  hindise-sharciyeedka

[10] Fiiri  Qodobada  14aad iyo 17aad ee NO: 4 ee 2/04/2015

               Avv Dahir Maxamad Cali (Dahir Carab)

  Qoraa, Qareen, Bare Jaamacadeed, Khabiir Sharci

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.