Madaxda Galmudug ee Cadaado oo qaadacay shirka Garoowe.

0

Cadaado:- Madaxda Maamuka Galmudug ee mudooyinkii danbe labo garab u qeybsanaa ayaa kuwa ku sugan Magaalada Cadaado ee Galgaduud waxaa ay ka soo horjeesteen shirka madaxda ee Garoowe ka socda kaasi oo uu ka qeyb galayo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa ka soo horjestay shirka oo ay sheegeen in aan lagu heyn xalka maamulka Galmudug.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo HornAfrik la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dastuurka uu madaxweyne Xaaf geeyay shirka Garoowe uusan ahayn kii saxda ahaa ee Galmudug.

sidoo kale waxaa uu madaxda dowaldda ku eedeeyay in ay ahayd hadii ay ka shaqeynayaan xalka mamaulka Galmudug in ay is horkeenaan madaxda khilaafka labada magaalo kala farisiyay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.