Saraakiil Shabaab ka tirsanaa oo Jubada Dhexe lagu dilay.

0

Kismaayo– Duqeymo diyaaradeed oo xoogan ayaa xalay waxaa ay ka dhaceen demooyinka Jilib iyo Jamaame ee Gobalka Jubada dhexe.

Diyaarada ayaa duqeynta la beegsaday saldhigyo Shabaab iyo guryo ay deganaayeen saraakiil sare oo Al Shabaab ka tirsanaa.

Waxaa lagu dilay gantaalada lala dhacay degmooyinkaasi saraakiil iyo dagaalamayaal la joogay oo Shabaab kamid ahaa.

Xubnaha Saraakiisha Shabaab ee duqeynta lagu dilay ayaa waxaa la sheegay in ay aad ugu dhawaayeen Hogaamiyaha Shabaab Abu Cubeyd.

Qaar kamid ah saraakiisha qeybta ka ahayd Duqeynta diyaaradeed ayaa warbaahinta u xaqijiyay in ay duqeymaha dhaceen saqdii dhee xubno sare na looga dilay shabaab.

Waxaa sii kordhaya tirada duqeymaha ah ee lala beegsanayo saldhigyada iyo xarumaha kale ee Muhiimka u ah Alshabaab si gaar ah Jubada dhexe.

Horaantii todobaadkan ayayna ahayd markii sidaan oo kale Diyaarado dagaal ay beegsadeen xarun ay Shabaab Qaraxyada ku diyaariyaan oo Jubada Dhexe ku taala.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.