Shirka Madaxda ee Garoowe oo hakad ku jira iyo sababta.

0

Garoowe– Waxaa faah faahin xiligan laga helayaa shirka mudada dheer qaatay ee madaxda uga socda maalinti afaraad magalada Garoowe ee Puntland.

Shirka ayaa ah mid xiligan hakad ku jira oo aan qabsoomin wixi shalay gelinki danbe ka danbeeyay.

Sidoo kalena madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa shirka isaga baxay iyadona ka bixitaankiisa shirka lagu sheegayo sabata ugu weyn ee uu kulanka madxada hakad ugu jiro.

Warkan waxan kaso xiganay xubno kamid ah wafdiga Galmudug ee Garowe oo naga dalbaday in codkooda iyo magacaba aan warbahainta u adeegsan.

Waxaa khilaafka keenay inuu madaxwyne Xaaf shirka isaga baxo ay tahay is faham waa ka dhashay dastuurka Galmudug oo madaxda dowladda Federalka la hordhigay in ay aqoonsadaan , kaasi oo ay ku xusantahay in muddo sadex sano ah ay mudada xil heynta uga harsan tahay madaxweyne Xaaf.

Hase ahaatee madax weyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare kheyre ayaa lagu soo waramayaa inaysan wi aqbalin qorshaha madaxwynaha Galmudug ,

Ilo kale ayaa ku waramaya in Xaaf la hordhigay inuu aqbalo mudo hal sano ah oo lagu darayo mudadu xil heyntisa taasi oo ka dhigan in sanad kadib ay doorashad Galmudug  dhaceyso.

Wafdiga Gamudug ayaana ku doodaya in aysan taasi ahayn sharci.

Shirka ayaa ay tahay maalintii afaarad waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in aan wali muqan is faham ay maxadu ka gaareen qodobada ay la shir tageen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.