Madaxweyne Xaaf iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ku kulmay Nairobi.

0

Muqdisho-Hornafrik-Axmed Ducaale Geelle Xaaf  Maxweynaha Maamulka  Galmudug ayaa Maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz (Pencho).

Masuuliyiinta ayaa waxaa ay ka wadahadleen amaanka, siyaasada, doorashooyinka iyo taageerada ay midowga yurub siiyaan Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha  Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu xiligan ku sugan Yahay magaalada Nairobi, isagoona halkaasi kulamo kula qaatay madaxda ka tirsan beesha Caalamka, iyagoona ka wadahadlay sidii ay taageeri dheeraad ah ay u siin lahaayeen maamulka Galmuudg.

Magaalada Nairobi ayaa haatan waxaa ku wada sugan madaxda Maamul gobaleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, iyagoona halkaasi kula shiray Madaxda Beesha Caalamka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.