Kulan aqoon isweydaarsi ah oo Muqdisho uga furmay Golaha Shacabka (BFS) iyo Golaha Wakiilada Puntland

0

Muqdisho-Hornafrik-Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho waxaa Isniin Maanta ah kulan ku yeelanaya Guddiga joogtada Golaha Shacabka  iyo Xubno ka socda Baarlamaanka maamulka Puntland, kuwaas oo soo gaaray  Magalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa ku saabsan iswaydaarsi Aqoon iyo waayo-aragnimo  dhexmaraya guddiyada  joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland iyo kan Federaalka.

Kulankaan oo Muqdisho ka socon doona mudo Sedax Cisho ah ayaa Inta uu socdo labada dhinac waxa ay isweydaarsan doonaan shaqooyinka labada Baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

Guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waa markii ugu horeysay oo kulan sidaani oo kala ah ay layeeshaan wakiilada maamul goboleedyada dalka kajira

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.