Ilmo yar oo laga xaday Isbitaalka SOS oo dib loo helay

0

Muqdisho-Hornafrik-Eheladda Qoys canug yar looga xaday Cisbitaalka SOS ee Waqooyiga magaalada Muqdisho galabtii Jimcaha aheyd ee na dhaaftay ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in ay dib u heleen Saqiirkoodii laga xaday.

Cunuga oo lagu hayay xaafad kutaal degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa sheegay qoysas deris la ahaa cida Cunuga soo xaday, iyagoo la xariiray kuna war galiyay meesha lagu heysto cidii laga soo xaday.

Ciidanka Booliska oo lagu war galiyay halka cunuga lagu hayay ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan Haweenay la sheegay in ay xaday Cunuga yar iyo dad kale oo Guriga kula sugnaa.

Ilaa sedax ruux oo loo soo qabtay falkaas ayaa lagu wareejiyay Hey’adda denbi baarista ee CID-da.

Cunuga yar oo la sheegay in uu Caafimaad qabay ayaa dib loogu celiyay Qoyskii laga soo xaday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.