Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho.

0

Muqdisho- Hornafrik-Qarax khasaaro geystay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrrika ee AMISOM.

Dadka Deegaanka ayaa  warbaahinta  u sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM  qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Weeydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in rasaas badan ay fureen, iyadoona la tilmaamay in waxyeelo ay ka soo gaartay dadka Shacabka ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan maanta ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.