Ciidamada Booliska oo xalay Baaritaano ka sameeyay Degmada Hodan.

0

Muqdisho-Hornafrik-Xalay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa baaritaano ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafada Carwadii hore ee qaranka iyo xaafadaha ku teedsan.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay guri guri u baarayeen dhamaan xaafadaha ay howlgalada ka sameeyeen, waxaana inta ay wadeen baaritaanadooda la sheegay in ay ku soo qabteen  dhalinyaro  badan oo ka mid ahaa dadkii deganaa xaafadahaasi.

Dadkii la soo qabtay ayay Askartu iskugu keeneen meel fagaare ah, iyagoo sii daayay qaar ka mid ah dhalin yarada howlgalka lagu soo qabtay, halka kuwa kalana ay ka xaysteen Ciidamada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.