Maamulka Gobalka banaadir iyo Wadayaasha Gadiidka Dadweynaha oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho-Hornafrik-Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta waxaa uu  kulan la qaatay Guddi ka socday Wadayaasha gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Kulanka ayaa waxaa uu ahaa Xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kula dardaarmay gudiga gaadiidka BL-ka in ay kaalin ka qaatan nabad galyada iyo ilaalinta sharuucda isticmaalka wadooyinka Muqdisho, si looga hortago falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada.

Guddigan ka socday Gaadiidleyda Bl-ka ayaa waxaa ay ka cabasho  u gudbiyeen Maamulka Gobalka Banaadir, islamarkaana waxaa ay ka dalbadeen in ay wax ka qabtaan Wadooyinka xiran iyo canshuur Xad dhaaf ah oo ay sheegeen in laga qaado.

Kulanka ayaa waxaa uu imaanayaa kadib markii ay darawalada gaadiidka walaac ka muujiyeen wadooyinka xiran iyo canshuurta laga qaado, iyadoona banaanbax uu maanta ka dhacay magaalada muqdisho, kaasi oo ay dhigeen gaadiidleyda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.