Wasiirada Amniga, Difaaca iyo Taliyaasha CQS oo maanta baarlamaanka hortagaya

0

Muqdisho-Hornafrik-Waxaa maanta lagu wadaa in Wasiirada Amniga, Difaaca iyo Taliyaasha CQS ee Soomaaliya in ay hortagaan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya fadhi looga hadlayo amaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo shalay ka dooday amaanka ayaa maanta su’aalo weydiin doona Wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe), Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow, Taliyaha Booliiska Soomaaliya General Bashiir Americo, Taliyaha Ciidamada difaaca Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) sida uu qorshuhu yahay.

Warbaahinta ayaa dibad joog ka ah kulankaan waxaana la sheegay in aad looga hadli amaanka Soomaaliya. Wasiirada ayaa la waydiin doonaa dhibaatooyinka hortaagan in Al-shabaab laga adkaado, Cabashada Ciidamada, isku dhacyada Booliiska iyo Milateriga iyo guul darrooyin kale oo ay wajahayso dowladda Soomaaliya kuwaas oo gaar ah dhanka amniga.

Lama oga nuuca jawaabaha ay bixin doonaan xubnahaan maanta hortagaya baarlamaanka ha yeeshee waxay u yeerintaankooda ku beegan tahay iyadoo ay jirto xaalad adag oo dhanka amaanka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.