Saraakiil iyo Askar loo xiray is rasaaseyn labadii maalmood ee u danbaysay ka dhacday Muqdisho

0

Muqdisho-Hornafrik-Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Bashiir Cabdi Maxamed oo xalay  lahadlay warbaahinta Qaranka ayaadoo ay garbihiisa joogaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa mar kale ka hadlay dilalkii shalay dadka shacabka ah luugu gaystay magaalada Muqdisho, rabshadihii ka dhashay  iyo Ciidamo ku dagaalamay gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Waxa uu ka hadlay dilalkii shalay ka dhacay Muqdisho asagoo carabka ku adkeeyay in lagu raad joogo Askarigii dilka geystay labadii Wiil ee dibadbaxyadu ka bilaawdeen asagoo sheegay in xabsiga loo taxaabay Taliyihii aagaas ka talinayay.

Shacabka ayuu ka codsaday in ay ku garab siiyaan soo qabashada Askerigii dilay Maxamed Deeq Cabdulqadir iyo Maxamed Sh Cali oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Cumar kaasi oo sida uu shegay  cadaaladda ka baxsaday.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkii shalay mudaharaadyada dhigayay ay ku soo dhex dhuunteen dad uu ku sheegay qaswadayaal kuwaasi oo qaarkood ay Ciidamada amnigu gacanta kudhigeen kuwo kalana lagu raad joogo.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday is rasaasayn shalay Ciidamo ka kala tirsan Militeriga iyo Booliska ku dhexmartay magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in falkaasi loo xiray Taliyeyaal Ciidan iyo Askar ku lug lahaa isku dhaca Ciidamadaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.