Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo maanta ku dagaalamay Muqdisho

0

Muqdisho-Hornafrik-Iska Hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Isgoysyada  Baar Ayaan iyo Towfiiq ee Magaaladda muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta  u sheegay in ay arkayeen Ciidamo Malatariga Soomaaliya  oo doonayay in ay xoog ku maraan bar kontorool oo Ciidamadda Booliska ay ku sugnaayeen waxaana halkaasi ka bilaawday is rasaasayn dhex martay labada Ciidan.

Inta la xaqiijiyay Sedax Askeri oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay iska hor imaadka ka dhacay Isgoysyada Baar Ayaan iyo Towfiiq ee Magaaladda muqdisho waxaana jira dhaawacyo soo kala gaaray oo aan tiradooda la cayimin.

Galinkii danbe ee Shalay ayay sidaani oo kale Ciidamo ka kala tirsan Militariga iyo Booliiska soomaaliya waxa ay ku dagaalameen Isgoyska Maanaboolka ee magaalada Muqdisho ayadoona uu halkaasi ku soo kala gaaray khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.