Banaanbaxyo looga soo horjeedo dilal loo gaystay dad shacab ah oo Muqdisho ka soconaya

0

Muqdisho-Hornafrik-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rabshado ka dhashay dil Askeri katirsan Ciidamada Booliska uu Isgoyska howlwadaag ugu geystay labo Qof oo mid uu ahaa wade mooto Bajaaj.

Banaan baxyo kadhashay dilalkaas ayaa sababay in Ciidamadu ay rasaas ku furaan dadkii dibad baxyada dhigayay ayadoo halkaas oo ay ciidamadu ku dileen Qof kale sidoo kalana ku dhaawacay labo ruux.

Isgoysyada howlwadaag, Bakaaraha, Sayidka, ayaa waxaa wali kasocda banaan baxyo looga soo hor jeedo dilalka ay saaka Ciidamadu u gaysteen dadkaasi Shacabka ah.

Dhanka kale Isgoyska Digfeer ayaa Askeri katisan Ciidamada dowlada waxa uu rasaas ku furay mooto Bajaaj sida lasheegay ku baakimneed wadada dhinaceeda waxa uuna dhaawac kasoo gaaray wadihii mootadaas iyo ruux rakaab u ahaa Goobjooge ayaa KNN u xaqiijiyay in dhaawaca labadaasi ruux Isbitaal loola cararay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.