Dowladda oo qirtay daryeel xumada heysata Haweenka

0

Muqdisho (Hornafrik)-Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya oo maanata hadal ka jeedisay kulanka xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa sheegtay in Soomaaliya  ay kaalinta koowaad ka geshay dalalka ugu liita ee hooyo ay ku dhali karto Caruur, maadaama aysan jirin bay tiri xarumo Caafimaad ee lagu daryeelo Hooyada iyo dhalaanka,

Fowziya Abiikar ayaa intaasi kudartay in Baxnaano fiican ee la siin karo hooyo Soomaaliyeed aysan jirin maadaama ay Jaamacaduhu sidii tukaan ganacsi oo kale ay dalka kaga furan yihiin dalka Filand oo ay tusaale usoo qaadatay ayay sheegtay in kaalinta koowaad uu ka galay dalalka Caalamka ugu wanaagsan ee lagu baxnaaniyo Hooyada iyo dhalaanka.

Dhanka kale wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay kawar heshay in ay jiraan daawooyin aan lahubin ee dalka lasoo galiyo laguna iibiyo farmashiyeyaal kuyaala magaaladaan Muqdisho, kuwaasi oo sababi karabey tiri xanuuno kala duwan.

Waxa ay sheegtay in arintaasi wax looga qaban karo oo kaliya in Aqalka sare uu meel mariyo Sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.