Dhalinyaro loo xiray Alshabaabnimo

0

Marka (Hornafrik)-Ciidamada  Xoogga  dalka gaar ahaan kuwa madaxtooyada soomaliya ayaa xalay ilaa iyo Maanta  waxaa ay Baaritaano  ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo gudaha degmada Afgooye ee Gobolka shabeellada hoose.

Baaritaanka ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay dhalin yaro aad u fara badan, kuwaasi oo la keenay Magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada xooga dalka  ayaa guri guri u baarayay  deegaanada  howgalada ay ka sameeyeen, waxaana la sheegay in rag lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagu soo qabtay Howlgalka, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale ciidamada ayaa  maanta  howlgalo waxaa ay ka wada deegaanka Xaawo Cabdi  ee Gobalka Shabeellada Hoose, maadaama wadadaasi ay ka dhacaan qaraxyo ay Al-Shabaab ku aasaan wadadaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa Xilli ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada ka sameynayeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.