Shir u dhaxeeyo Guddiyada Dastuurka oo maanta lagu soo gaba gabaynayo Kismaayo.

0

Kismaayo (Hornafrik)-Magaalada Kismaayo Ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabo-gabeeyo  shir u dhaxeeyo Guddiyada Dastuurka,wasaarada Dastuurka iyo xubno kale.

Ujeedka shir ayaa ah sidii dadka ku nool kismaayo loogu soo bandhiga lahaa Cutubyo guddiga iyo wasaarada dib u eegis ay ku sameysay,waxaana lagu wadaa in War-murtiyeed laga soo saaro shirkaasi.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam oo shirkan furay ayaa soo xiraya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Radio Kulmiye u sheegay in maanta la soo gaba gabeynayo shirka Maal mahan ka soconayay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.