Madaxweyne Deni oo markii ugu horeysay u ambabaxay Imaaraadka Carabta.

0

Garoowe-Hornafrik-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo ay wehlinayaan xubno katirsan golihiisa xukuumadda ayaa markii ugu horeysay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha general Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Madaxwene Denni oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in socdaalkoodu ku wajahan yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa uuna sheegay in halkaasi uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi oo ay kawada xaajoon doonaan xiriirka Puntland iyo Imaaraadka, mashaariicda socda iyo arrimaha DP World.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulan La qaato jaaliyada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland ee Ku sugan dalka imaaraadka carabta

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.