Guddoomiye Yariisow oo markale Ku celiyay in la baneeyo xerada Ex Mariino ee Muqdisho

0

Muqdisho (Hornafrik)-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdi Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa markale waxaa uu ku celiyay,islamarkaana uu amar Ku bixiyay in la baneeyo Xerada Ciidamada Badda ee Mariino ee ku taala degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in Go’aankaasi horay uga soo baxay uu yahay sidiisii,isla markaana aysan jirin cid ka hor-imaan karto, isagoona sheegay in maleeshiyaad aan la geysan Karin xerada ciidamada Bada ee Marino.

“Cida maanta ku doodeyso dukumiinti ayaan uu heystaa xerada ciidamada Bada waa nasiib darro marka horeba in dukumiinti lasiiyo ma aheyn laakin waxaa la gaarayaa in maxkamad lasoo taago Hoggaamiye Kooxeed iyo cid kasta oo dembi gasha,waana u dhiman doonaa ilaa loo hogaansamo amarka” ayuu yiri Eng Yariisow.

Arintan ayaa Ku soo beegmaysa xilli xiisada u dhexeysay Senater Muuse Suudi iyo Ciidamada amaanka la sheegay in xal laga gaaray, hayeeshee waxaa la dhowrayaa talaabada uu qaadi doono Maamulka Gobalka Banaadir

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.