Uganda oo Soomaaliya ku casuumtay shir Afrika ah oo ka dhacaya dalkeeda

0

Kampala (Hornafrik):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya maalinta berri ah shir looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda Afrika, baahida loo qabo in Afrika ay u midowdo kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Kampala inta uu joogo la kulmi doono Madax kala duwan, sidoo kale Madaxweynaha Uganda ayeey wada hadallo ku aaddan xiriirka labada Dal iyo wada shaqeynta dhinaca Iskaashiga oo Amniga uu ugu horeeyo ku yeelan doonaan halkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.