Soomaaliya oo la wareegtay shir guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta

0

Muqdisho (Hornafrik)—Dowladda Soomaaliya ayaa shalay la wareegtay kaltanka 151aad ee madaxtinimada xilligan ee Jaamacadda Carabta,iyadoo Muddo 6 bilood ah ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah haynaysaa guddoominta.

Warka ayaa intaas ku daraya in muddada ay Soomaaliya heyso shir guddoonka golaha wasiirada Jaamacadda Carabta la qorsheynayo in shirmadaxeedka golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta lagu qabto magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo lagu qoray bogga Twitter ee xafiiska warfaafinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Tallaadabadaan ayaa qeyb ka ah horumarrada dowladda Soomaaliya ka sameeysay dhinaca diblumaasiyadda iyo iskaashiga Caalamiga ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.