Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay.

0

HornAfrik-Madaxweyne Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib kulamadii Nairobi iyo Addis Ababa.

Wafdiga Madaxweynaha ayaan wali ka hadlin heshiiska uu garwadeenka ka ahaa Abiy Ahmed ee ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhur Kenyata.

Waxaa aad loo hadal hayaa , walina uusan Madaxweyne Farmaajo ka hadal in kulanka lagu soo hadal qaaday kiiska badda ee horyaala Maxkamadda aduunka , sida ay qorayaan dad soo xiganaya Telefishinla Qaranka Itoobiya.

Sidoo kale Waxaa aad loogu kala aragti duwan yahay sida loo maray heshiiska, dadkana waxay kala qabaan sadex aragti.

1:- in ay ahayd in Madaxweyne Farmaajo loogu yimaado Muqdisho maadaama ay Kenya bilowday xiisadda.

2:- in ay habooneyd in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya la isugu geeyo magaalo aan ahayn Muqdisho iyo Nairobi , si ay u noqdaan rag meel kale ku heshiinaya.

3:- iyo aragtoda sadexaad oo ah in ay tahay tilaabo wanaagsan midda uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ayna tahau fur furnaan diblomacy-yadeed.

Waxaa madaxweynaha iyo si guud dowladda lagu dhaliilayaa in aysan shacabka si faah faahsan ugala hadal waxa jira , sida xiisadda Kenya iyo xalka maanta la gaaray.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.