Muran ka taagan suuq la doonayo in la xiro

0

Boosaaso (Hornafrik)- Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray amarro cusub oo ay ku xirayaan suuqa kalluunka iyo marsada ee ku dhexyaalla dekedda Boosaaso,isla markaana la amray in la xiro lag bilaabo Maalinta talaadada ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in arrintaasi loo qaaday dhinaca amniga kadib dilkii bishii Feberaayo uu ka dhacay suuqaasi dil loo gaystay maareeyihii shrikadda P&O ee maamusha dekedda Boosaaso.

Tallaabadan ayaa waxaa aad uga soo horjeestay ganacsatada iyo kalluumeysatada suuqaas,waxaana ay sheegeen in ay go’aankaas kasoo horjeedaan,islamarkaana goobaha loo cayimay ay yihiin kuwo Qatar ah oo aan u wanaagsaneyn Gaadiidka.

Xukuumadda Puntland ayaa waxa ay ka dalbadeen in Go’aankaas ay dib uga laabato,waxaana ay baaq u direen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.