Shirkadda Spectrum oo sheegtay in shirkii London lagu xaraashin xirmooyin shidaal ah

0

Muqdisho (Hornafrik):-War ay soo saartay shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya ee lo yaqaano Spectrum ayaa lagu sheegay in shirkii London ka dhacay aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya,xili dowladda Kenya ay ku doodayso in meel lagu muransantahay xirmooyin shidaal xaraash lagu sameeyey.

Madaxda sare ee Shirkadaasi Spectrum ayaa sheegay in dhul badeedka sahminta shidaal lagu sameeyay ee xogtiisa lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay leedahay Soomaaliya.

Sidoo kale Spectrum  warsaxaafadeedkeeda waxaa ay ku cadeysay in aanay ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadeeda ay taallo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Shirkadda Spectrum Qoraalkan ay soo saartay waxaa lagu soo bandhigay qariiradda muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.