Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW oo ka hadlay Tubta horumarinta dhaqaalaha Dalka

0

Muqdisho-(Hornafrik)- Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Axmed-Nuur Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafiska iyo waxyaabaha fududeyn kara.

Dr; Axmed-nuur, oo ka hadlayay dood ku saabsanayd Tubta horumarinta dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya tahay Waddan dumay oo dib usoo kabanaya , loona baahan yahay in uu la jaan-qaado hay’adaha caalamka, si taa loo gaarana loo baahan yahay in si hufan loo qaado canshuuraha, in lala dagaallamo musuqa iyo in la adkeeyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xog-hayuhu, in ay Dowladdu waddo soo nooleynta himmilooyinka Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay in dib loo daabaco Lacagtii Soomaaliyeed iyo in laysu furo Bankiyadeenna, si uu dhaqligu taabba gal u noqdo Dowlad nimadeennuna u hagaagto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.