Xiisad weli ka taagan Balcad.

0

Balcad (Hornafrik)-Degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxaa weli ka tagan xiisad u dhaxeyso guddoomiyha degmada Balcad iyo xoghayaha degamadasi.

Masuuliyiinta kale ee xiisada ka taagan ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Nabad sugida degmada Balcad, iyadoo ay isku dhaceen masuuliyiintsasi.

Xaalada magaalada Balcad ayaa ah mid aad looga cabsi qabo in markale uu dagaal xoogan uu ku dhexmaro masuuliyiinta is khilaafsan ee ku sugan gudaha degmada Balacad .

Shacabka ayaa ah mid aad ugu cabsi qabo in ay ku kor dagaalamaan ciidamada kala taabacsan masuuliyiinta iska soo horjeeda, iyagoona arintaasi walaac xoogan ka mujiyay.

Waxaa shalay galab gaaray degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe ciidamo uu hogaaminayo Gerenaal Maxamuud Xaaji Axmed Genaraal Sheegow, isagoona halkaasi u tagay inuu kala dhex galo ciidamada ku dagaalamaya  gudaha magaalada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe,  islamarkaana kala tabacsan masuuliyiinta degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.