Ninkii dilay Maamulihii dekeda Boosaaso oo xalay geeriyooday.

0

Boosaaso (Hornafrik)-Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi uu ku geeriyooday ninkii shalay dilay agaasimihii  dekeda Boosaaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaraadka Carabta Paol Farmosa.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’diisana waxaa lagu qiyaasay  20 jir, kadib qaliin lagu sameeyay ayuu u geeriyooday.

Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee  isbitaalka Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay inuu geeriyooday ninkii dilay Agaasimihii shirkada Dp World ee dekeda Magaalada Boosaaso.

Muuqaal laga soo qaaday inta uusan dhiman ayaa waxaa uu sheegay inuu maalmo ka hor ka yimid Magaalada Baydhabo, islamarkaana sidaasi uu falka dilka ah uu shalay u fuliyay, waxaa uuna xaqiijiyy inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.