Baaritaano saakay ka socda Magaalada Boosaaso.

0

Muqdisho (Hornafrik)-Ciidamada amaanka ayaa saakay waxaa ay howlgalo ka wadaan Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay kordheen dilalka ka dhaca Magaalada Boosaaso, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi badan arintaasi ka soo wajahday.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamo aad u faran badan la geeyay konrotoolada soo gala Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay faray ciidamada amaanka ay kordhiyeen howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka deegaanada  ka tirsan Gobalka Bari.

Dilkii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa sheegatay masuuliyadiisa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.