Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah

0

Muqdisho (Hornafrik)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa magaaladda Muqdisho maanta kulan kula qaatay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah ee Soomaaliya Caawiya.

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyada XFS ayaa sheegay in uu kala hadlay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo laga wada shaqeeyo isbadallo wax tar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxan Muqdisho ku kulanay wakiilada Wadamada Deeq bixiyayaasha ah, Waxan si hufan uga wada hadalnay guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaheena, Waxan si adag uga shaqeynaynaa gaadhsiinta Dalkeena isbadallo wax tar u leh Dalka & Dadka, Waan bogadinayaa tageerada ay nala garan taaganyihiin” ayuu yiri Wasiir Beyle

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.