Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Casha sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Puntland

0

Garoowe-(Hornafrik)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Xalay ka qeyb galay Casha sharaf uu Madaxweynaha Puntland ugu sameeyay Garoowe.

Casha sharafta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madaxda maamul Goboleedyada Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geeddi, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadda Casho sharafta ayaa ahayd mid lagu maamuusayay Madaxda iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.