Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray xarunta Golaha Wakiilada Puntland

0

Garoowe (Hornafrik):- Gudoomiye ku xigeenka labaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Xilshibaanada ayaa saaka kormeer ku tagay Xarunta Baarlamaanka Puntland.

Waxaana Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaanada kormeerkiisa ku wehlinayay xarunta Baarlamaanka Puntland ku soo dhoweeyay Gudoomiyaga Golaha Wakiilada Maamulka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed.

Soo dhoweyn ka dib, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Wakiilada Puntland iyo in wada shaqeyn joogta ah ay yeeshaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.