Qaban qaabada caleema saarka madaxweyne Deni oo Garowe ka socota

0

Garowe(Hornafrik) Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Puntaland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland,iyadoo ay halkaasi gareen wafuud kaladuwan.

Waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya madaxda Qaranka,kuwa dowlada goboleedyada iyo marti sharaf kale,iyadoo ammaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.

Wafuudda ugu dambeysay ee ka qeybgalaysa waxaa ay tagayaan maanta gelinka hore,iyadoo islamaanta ay dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash.

Magaalada Garoowe waxaa kusugan guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labo maalin ka hor tagay halkaasi,halka wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha SHacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo uu tagay maalintii shalay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.