Antony Thomas Cox oo lagu xiray Xabsiga Dhexe

0

Muqdisho (Hornafrik)- Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay in xabsiga dhexe lagu hayo Eedeysane Antony Thomas Cox oo ah 48-jir u dhashay England kaas oo loo heysto Isku day qatar gelinta deganaanta guud iyo Ku guul dareysiga sheegitaanka walxaha qarxa.

Qod-(332-531)-Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ciidamada amniga ka soo qabteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli uu safar u ahaa sida uu sheegtay waddan Ethiopia.

Diyaaradda Ethiopian Airline ayaa iyada hakad gelisay duulimaadkeedii Muqdisho, waxaana warar ay   heshay Hornafrik sheegayaan in ay la xiriirto arrinta ninka loo gudbiyay xabsiga dhexe ee waday agabka dhaqa qaraxyada  laa sameeyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.