Askar iyo qof shacab ah oo lagu dilay Muqdisho.

0

Muqdisho (Hornafrik) –Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay qof shacab ah ku dileen  suuqa degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Dilkan  ayaa ka dambeeyay, kadib markii kooxda dilka geysatay iyo qofka shacab ah uu muran dhex maray , maadaama kooxda ay doonaysay in ay dhacaan taleefoonka uu wato, wiilka, iyadoona arintaasi uu ka biiyo diiday, kadibna halkaasi lagu dilay.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana  goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliska iyo Militariga Soomaaliya.

Inta ay ku jireen baaritaanka ayaa waxaa la sheegay in iska horimaad uu dhexmaray koox burcad ah iyo ciidamada amaanka, iyadoona la sheegay in halkaasi lagu dilay sedex askari, sida uu sheegayo qof goobjooge ku sugan degmada Kaaraan.

Ma jiraan weli wax war ah ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.