Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub

0

Muqdisho (Hornafrik) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S\gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Esa pulkkinen oo ah Madaxa EUTM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

S\gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeedka uu u yimid general  Esa pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga yurub ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya.

Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.