Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu dhameynayo Khilaafka u dhexeeya Labada Gole BS.

0

Muqdisho (Hornafrik)-Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay Khilaafka u dhexeeyay Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu wado qorshihii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu xusay in labada Guddoomiye ee kala ah Cabdi Xaashi iyo Maxamed Mursal uu isugu yeeray waxna ka weydiiyay sida ay wax u socdaan.

Hayeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in labada Guddoomiye ay xaaladdooda meel adag gaartay sidaasna kalfadhiga 4aad uu ku soo dhamaaday.

Waxaa uu Balan qaaday inuu si deg deg ah u xalin doono khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.