Maamulka Koofur Galbeed oo bilaabaya Howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

0

Muqdisho (Hornafrik)-Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa sheegay in dhawaan in ay bilaaban doonaan sidii loo qaadi lahaa Howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Waxaa uu tilmaamay Madaxweynaha Shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed ay haystaan Dhibaatooyin badan, taasi oo ay ugu horeysa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Dowlada iyo kuwa Koofur Galbeed ay bilaabi doonaan Howlgal la isugu furi doono wadooyinka ay Go’doomiyeen Maleeshiyada  Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa u mahad celiyay Maxkamadda Ciidamada oo dhawaan dil horay loogu xukumay Dhagar-qabe ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab oo sanad ka hor Masjid ku yaal Baydhabo xilli Ramadan ku dilay wadaad caan ka ahaa Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in uu ku dadaali doono in xabsiga aan lagu sii heyn qof daadiyay dhiigga Muwaadin Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.