Guddoomiye ku xigeenkii Matabaan oo ku dhintay weerar ka dhacay degmadaasi.

0

Matabaan (Hornafrik)-Faa Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday Kolonyo gaadiid ah oo ka baxay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kuna sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa KNN u xaqiijiyay in dagaalka uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan Faarax Nuur Guure iyo shan ka mid ah ilaaladiisa.

Goob joogaayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalkaan uu daba socdo dagaal beeleedka ka socda gobolka Hiiraan, waxaana lagu qabsaday gaari iyo hub, walaac xoog leh ayaa taagan iyo cabsi dagaal, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeesto.

La soco wixii ku soo kordha dagaalka Matabaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.