Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Gedo.

0

Muqdisho (Hornafrik)-Tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel cadde ee Gobalka Gedo ayaa xalay ilaa iyo shalay waxaa uu dagaal culus uu ku dhexmaray xubno ka  kala tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Dagaalka Al-shabaab iyo Daacish ayaa waxaa ay iskaga dileen xubno ku dhaw toban dagaalame sida ay sheegayaan wararki ugu dambeeyay ee deegaanadaasi naga soo gaaraya.

Labada dhinac dagaalka ku dhex maraya Ceel Cadde ee Gedo ayaa bilwoday habeen kahor iyadoona ay xusid mudantahay iclaamintii maalmo kahor ee Afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa uu saameeyay shacabka meelaha lagu dagaalamayo .

Meydka labo wiil oo dadka degaanka ah ayaa laga helay halka loo yaqaano Lahelow ee Gobalka Gedo.

Magacyada wiilasha meydadkooda la helay waxaa lagu sheegay Cabdullahi Yuusuf Cismaan iyo Ibraahim Cabdi Diiriye waxaana marka la dilayay ay wateen mooto

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.