Koox hubeysan oo xalay dil ka geystay Muqdisho.
Muqdisho (Hornafrik)- Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay qof shacab ah ku dileen degmada Xamar Jabjab ee Gobalka Banaadir.
Dilka ayaa waxaa uu si gaar kaga dhacay Agagaarka Buundada 1aad ee degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdi, waxaa uuna ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku soo dooratay Magalada Baydhabo ee Gobalka Bay.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada amaanka ee Dowlada Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysto dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.